HAMDI MOHAMED OO U SHARAXAN XUBIN KA MID AH GUDIGA DEKADAHA IYO GAROOMADA SEATTLE WASHINGTON.
TAARIIKHDAYDA IYO ARAGTIDAYDA OO KOOBAN,,
Magacaygu waa Hamdi Mohamed, Waxaan ku soo koray anigoo daawanaya hooyaday oo ka shaqaysa Garoonka seatac si ay nolol maalmeedkeedaa ula soo baxdo, Laga soo bilaabo yaraantaydii, waxaan bartay qiimaha shaqada, muhiimada go’aan qaadashada iyo u adeegida bulshada.
Waxaan bilaabay ka miro dhalinta qiyamkaasi markii aan la shaqaynayay haweeneyda Koongarayska Mareykanka ku metesha gobolkeena ee lagu magacaabo Pramila Jayapal, oon xafiiskeeda ka noqday madaxa guud ee ololaheeda. waxaan dhexda u xiranay si aan wax u barno una taageerno bulshooyinkeenna sidii ay ula socon lahaayeen saameynta maalinlaha ah ee siyaasadda guud.
Anagoo ka duulayna u doodista iyo tusaalaynta xirfadaha hoggaaminta, waxaan u badbaadinay malaayiin doolar dadka deegaanka iyo ganacsiyada ku baahsan degmada King County. Waxaan xirfadahaas oo kale u adeegsadaa shaqadayda maalinlaha ah oo ah la taliyaha sharuucda iyo siyaasada ee Dowlada hoose ee King county.
Haddana, waxaan rabaa inaan u tartamo xubin ka tirsan gudiga qaabilsan arimaha dekada iyo aaylaboorada Seattle. Waxaan naftayda u hurayaa u adeegista bulshada, caawinta qoysaska, ganacsiyada yaryar, iyo bulshooyinka heer degmo iyo heer federaal ahba.
Si aan uga guuleysanno cudurka covid-19, waxaan u baahannahay inaan hubinno in dekeddu ay caawiso qoysaska shaqeeya ee ugu daran ee ay saameysay aafada cudurkani si ay uga soo kabtaan oo aay u kobcaan dhaqaalahooda iyo noloshooduba.
Aniga oo kaashanaya talada bulshadayda,talada rabbi iyo khibradayda shaqo oo ah in ka badan toban sano iyo aqoontayda jaacamaceed maadaamoo aan shahadada cilmiga bulshada iyo shuruucda ka qaatay Jaamacadda Washington, waxaan diyaar u ahay inaan wax ka qabto arimaha mudnaanta leh ee hoos ku taxan kuwaasi oo ka turjumaya baahiyaha bulshadeena.

QODOBADDA HOR-TEBINTA LEH
ARIMAHA HORUMARINTA DHAQAALAHA
Ahmiyadaydu waa inaan siiyo qof kasta oo ka mid ah bulshadayda ‘taageerada iyo helitaanka dhammaan fursadaha jira. Cudurka COVID-19 wuxuu aafo baahsan ku abuuray bulshooyinkeena waana inaan talaabooyin la mahadiyo u qaadnaa dhanka guusha si aan u taageerno dhamaan shacabkeena oo aay ugu horeeyaan ganacsatada yaryar, shaqaalaha dekeda iyo garoomada, wadayaasha gawaarida waawayn iyo weliba kuwa tagaasilayda ah sida Uber,Lyft,taxiga caadiga ah IWM. Waxaa iga go’an maalgalinta iyo shaqo abuurista, barnaamijyada shaqaalaha iyo fursadaha horumarka shaqada iyo Taageerida ganacsiyada yar yar iyadoo lakala beekhaaminayo qandaraasyada Dekeda, sidoo kale waxay fure u tahay guusha gobolkeena si guud, Waa inaan sameynaa wax walba oo aan awoodno si aan u hubinno in shaqaalaheennu ay ugu soo laaban karaan shaqadooda si ammaan ah oo ay ugu shaqaaysan karaan si werwer la’aan ah unna suubin karaan dhaqaale ku filan dhammaantood.
CADDAALADDA DEEGAANKA,AMNIGA SOONAHA GAROONKA
Aniga oo ah qof degan degmada South King County, waxaan fahansanahay si dhowna ula socdaa caqabadaha soo foodsaara garoonkeena iyo saamaynta aay leedahay Ku noolaanshaha daqiiqado gudahood mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan dalkeenna,wasakhowga hawada,buuqa iyo sawaxanka hawada iyo saxmadda taraafikada diyaaradaha ayaa si weyn u saameeya bulshadeenna. Hadaba si taasi wax looga qabto Waxaa iga go’an inaan u doodo heer maxalli ah iyo heer federaal ahba si loo sii wado cilmi baarista, horumarka tikniyoolajiyadda iyo xal walboo taageeri doona caafimaadka iyo bedqabka qoysaskeena, ganacsiyada iyo shaqaalahaba.
AMMAANKA DEKEDA IYO SOO DHAWAYNTA SOCOTADA
Gegada diyaaradaha ee Seatac waa halka aay kasoo degaan dadka ugu badan ee soo booqda iyo kuwa ku cusub Gobolkeenna. Sidaa darteed Waxaan hubin doonaa in qof kasta oo soo mara garoonka diyaaradaha uu si nabadgelyo leh oo cabsi la’aan ah u isticmaali karo garoonkeena. Waxaa iga go’an inaan la dagaallamo dhibaatada tahriibinta dadka iyo sidoo kale inaan ilaaliyo shaqaalaha soogalootiga ah, dadka deegaanka iyo dadka soo booqda gobolkeena oo dhan, Anigu waxaan aaminsanahay Xorriyadaha madaniga ah, kobaca dhaqaalaha iyo amniga qarankaba in la horumarin karo iyadoo aan la gelin jawi siyaasadeed oo cabsi iyo khalkhal inoo horseedi kara.
MUDNAANTA SHAQAALAHA IYO SHARCIGA SHAQAALAHA
Waxay mudnaantayda koowaad noqon doontaa inaan helno dowlad hufan oo taaba gelin toosan leh. Tan waxaa ku jiri doona inaan qayb ka noqdo dejinta siyaasado dhiirrigelin doona ka-qaybgalka bulshada iyo daneeyayaasha maalgelinta sida ganacsiyadayada yaryar, iibiyeyaasha, qandaraasleyda, shaqaalaha garoonka,shaqaalaha dekeda, iyo dhammaan dadka halkaan deggan, oo ay ku jiraan dhallinyarada, shakhsiyaadka naafada ah, Soogalootiga iyo Asal ahaan Bulshooyinka Midabka madow (BIPOC). Waxaan mudnaan doorleh siin doonaa helitaanka asasiga ah ee ay u baahanyihiin shaqsiyaadka naafada ah iyo kuwa ka soo kala jeeda dhaqamada,diinaha iyo luqadaha kala duwan.
Is Diwaangeli
Faahfaahin dheeri ah si aad u hesho, halkaan iska diwaangeli. Si aad ugu tabarucdo ololaha Xamdi, guji halkaan hoose.

Mailing Address:
Friends of Hamdi
P.O. Box 69383
Seatac, WA 98168
Paid for by friends of Hamdi
designed by CMD
Pitch in Today
Please donate whatever you can afford to support our port for the people campaign